Wararka naga soo gaaraya Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in Gudaha Magaaladaas uu ka dhacay qarax xoogan oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo.
Qaraxa lala beegsaday ciidamada dowlada Kenya ayaa ka dhacay xaafadda Fiya Afmadoow ee galbeedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan halka loo yaqaan Godka dhuxusha. Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Lama ogo qasaaraha ka dhashtay qaraxa ka dhacay Magaalada Kismaayo ee lala beegsaday ciidamada dowlada Kenya ee qeybta ka Howlgalka midowga africa ee amisom ee ku sugan Gobolka jubooyinka.
Qaraxyada ka dhaca Magaalada Kismaayo ee lala beegsado ciidamada Kenya waxaa sheegta al-shabaab.

