Gudoomiyaha Shabeelaha dhexe oo Maanta Kormeer ku tagay deeganka Biya cadde  

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeer ku tagay deeganka Biya cadde  ee dhaca duleedka Degmada Mahadaay  oo  dhawaan ay la wareegeen ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka shabeelaha dhexe ayaa kormeer ku tagay xarumaha deegaanka Biya cadde  ee dhaca duleedka Degmada Mahadaay  isagoona ka wareystay  xaaladaha amni saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya oo hogaaminayay howlgalka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha C/kariin macalin aaloos oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka wafdiga uu hogaaminaayay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe uu ahaa u guurgalida xaaladaha  amni ee deegaanka.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada dowlada soomaliya ay la wareegeen deeganka Biya cadde ee dhaca duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here