Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Miino loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday guri uu magaalada Kismaayo ka degnaa sargaal katirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland.
Sarkaalka weerarka lagu qaaday oo magacabiisa la shaacinin,ayaa la sheegay in hoyga uu ka maqnaa,waxaana hoyga ku sugnaa qaar kamid ah Eheladiisa.
Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad u sugnaa guriga lagu xiray, ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo ayaana sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxan iyo dadkii ka dambeeyay.
Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland, waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay qaraxyadda lala eegto Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Saraakiisha Jubbaland.

