Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Tiro hoobiyayaal ah oo saakay lagu garaacay magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Madaafiicda oo gaaraysay ku dhawaad 10 ayaa daryankooda si weyn looga maqlay xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb,waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Dhanka kale Ciidamadda Jabuuti iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda ku jawaabay Madaafiic kale,waxaana sidoo kale la ogeyn khasaaraha ka dhashay Madaafiicda jawaabta aheyd.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore Madaafiic ku garacay xaafaddo kamid ah magaalada Dhuusa-mareeb,oo ah caasimada Galmudug.

