Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore) oo Lagu Dilay Magaaladda Gaalkacyo

0

Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore) oo ka mid ahaa nabaddoonada gobolka Mudug ayaa Xalay lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Nabadoonka ayaa la toogtay xilli uu ka soo baxay masjidka Macmuur ee xaafadda Garsoor oo uu ku tukaday salaadda Cishaha, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka xalay  la dilay ayaa sidaan oo kale 2011 masjidka Macmuur lagu dilay aabihiis Nabadoon Xasan Xuseen Maxamed (Walloore).

Laamaha amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa weli ka hadlin dilka Nabadoon Cabdiqani Walloore.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here