Axmed Madoobe oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Raisulwasaaraha Cusub

0
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre oo Caawa uu xilkaas u magacaabay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa Madaxweynahu uu tilmaamay in Mudane Xamze Cabdi Barre uu yahay shaqsi hufnaan iyo karti u leh gudashada xilka Cusub ee loo magaacay isla markana lagu xusuusto shaqooyinka wanaagsanaa ee uu dalka kasoo qabtay isagoo wakhtigiisa iyo naftiisa u huray shaqooyinka waa weyn oo uu ugu adeegayay bulshada Soomaaliyeed wakhtiyo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha Alle uga baryay inuu la garan galo shaqada Cusub ee hortaala isagoo ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagan si uu u guto waajibaadka qaran ee horyaala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here