Kenya oo Raaligalin Ka Bixisay Shirkii uu Isaga Baxay Safiirka Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa raaligalin ka bixisay qaladkii shalay ka dhacay shir ka socday Magaaladda Nairobi ee caasimada Kenya kaasi uu isaga baxay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya kaddib markii Wakiil ka socday Somaliland uu qeyb ka noqday Shirka.

Kenya waxay sheegtay inay qaddarin u hayso madax bannaanida Soomaaliya waxayn ka cudur-daaratay joogitaanka Wakiilka Somaliland iyadoo sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Kenya ayaa rasmi ahaan u aqoonsan Somaliland inay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya. balse sanadihii dambe ayay Nairobi sare u qaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Farmaajo ayaa marar badan ku eedeysay Kenya inay farogelin toos ah ku heysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya ayaa beenisay eedeyntaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here