Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay wararka ku aadan in dib loo bilaabayo qaadkii Kenya ay Soomaaliya usoo dhoofin jirtay.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in uu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro qaadka.
Sidoo kale waxa uu in Soomaaliya ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah.
Dowladda Kenya ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka ee dalkeeda.
Mowduucan ayaa ahaa mid uu in muddo ahba muran ka taagnaa, tan iyo markii ay xayiraad kusoo rogtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,sababo la xiriira Carona Virus.
Wasiirka Beeraha dowlada Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.
Mr Munya ayaa sheegay in wadahadal lagu soo gunaanadayo xayiraadka qaadka ee saaran dalka Kenya dhawaan la qaban doono isla markaana la saxiixi doono heshiis rasmi ah oo Kenya ay dib ugu bilaabayso dhoofinta qaadka ka baxa dalkeeda.

