Dowladda Ingiriiska oo Loo Oggolaaday Qorshihii Ku Saabsanaa Tahriibeyaasha

0

Dowladda Ingiriiska ayay Maxkamadda sare u fasaxday in ay dadka magangalyo-doonka ah ee dalkeeda jooga geyn karto Rwanda.

Talaadada soo socota ayay bixi doonaan duullimaadyada ugu horreeya ee qaadaya qaxootiga.

Ololeyaal looga soo horjeeday arrintan oo sameynayay isku-dayo sharci ayaa guuldarreystay. Laakiin kiiskan waxaa Isniinta dhegeysan doona Maxkamadda Racfaanka.

Kooxaha Xuquuqul Insaanka iyo Ururka Shaqaalaha waxay filayeen natiijo ku saabsan sheegashahooda ka dhanka ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha Priti Patel oo ka dambeeya qorshaha rarista magangalyo-doonka. Waxay sidoo kale raadinayeen amar maxkamadeed oo joojinaya duulimaadka ugu horreeya.

Boqol magangalyo-doon ah ayaa lagu hayaa xarumo gaar ah, waxayna sugayaan in dalka laga dhoofiyo.James Wilson, oo ah agaasime ku xigeenka Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Detention Action ayaa u sheegay BBC in uu aaminsan yahay in ‘Ruwanda aysan ahayn waddan saddexaad oo ammaan ah’.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here