Hogaamiyaha Xisbiga Wadani ee Maamulka Somaliland C/raxmaan Ciro oo xalay Taageerayaasha Xisbigiisa kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda Somaliland iyo culeysyadda kaga imaanayo Xukuumadda Somaliland.
Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliland ay xaq u leeyihiin ay shacuurtooda muujiyaan,balse aan la aqbali doonin in shacabka la caburiyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aan marnaba la aqbali Karin, in muddo kororsi ay sameysato Xukuumadda haatan shaqeyso,islamarkaana ay ku qancayaan oo kaliyah doorasho iyo codka la dhiibto.
Ugu dambeyntii Hogaamiyaha Xisbiga Wadani ee Maamulka Somaliland C/raxmaan Ciro ayaa ugu baaqay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in dadka ay ka deyso dhibka lagu hayo,islamarkaana aan xabad waxba lagu maamuli Karin.
Somaliland waxaa saakay ka jira xaaladd isqabqabsi ah waxaana lagu eedeeyay Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi in aysan dooneynin in doorashada la qabto,ayna qorshaynayso muddo kororsi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Mohamed Kahin Ahmed ayaa sheegay in doorashadda ay dhacayso,wuxuuna sheegay in Xukuumadda ay wada-hadal ugu baaqday mucaaradka balse ay iyaga diideen.
Dhowr jeer oo hore waxaa fashilmay kulamo fool ka fool ahaa oo dhexmaray Madaxda Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland iyo Madaxweynaha Taladda haya ee Muuse Biixi Cabdi.

