Meydka haweeney Magaceeda lagu sheegay Aamino Maxamed Malaaq ayaa laga helay xaafad ka tirsan magaalada Baydhabo ka dib markii muddo labo cisho ah la weysanaa.
Laamaha amaanka Koonfur galbeed ayaa haweeneyda meydkeeda ka soo saaray meel musqul ah oo ku dhex taalla guri Jiingad ka sameysan iyadoo garbaduub u xiran.
Haweeneydan oo ka tirsaneyd ganacsatada magaalada Baydhabo ayaa waxaa jirkeeda ku muuqday dhaawacyo halis ah oo sababay geerideeda.
Mid kamid ah wariyayaasha magaaladda Baydhabo oo la hadlay idaacada Simba ayaa sheegay in dhacdadaan ay tahay mid si weyn loogu hadal hayo Magaaladda,islamarkaana shacabka ay fajac ku noqotay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dilka hooyadan uu ka dambeeyey nin la sheegay iney ku laheyd lacago fara badan oo deyn ah kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyey Goomey.

