Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilaabi doonto dagaal ka dhan Al-shabaab,kadibna ay wada-hadal la gali doonto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan Alshabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.
“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa”
Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.
“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan.”

