Weeraryahankii Hore ee kooxda Real Madrid Antonio Cassano ayaa aaminsan in Lionel Messi uu yahay midka u wanaagsan aduunyada markuu rabana goolasha dhaliya.
Laacibka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa dhawaan ku guuleystay Ballon d’Or markiisa shanaad kadib markii uu kooxda Barcelona uu ka caawiyay hanashada koobab badan sida Champions League iyo horyaalka dalka Spain.
Weeraryahankii Hore ee Real Madrid oo haatan 33-sano jir ah waxaa cadeeyay in messi uu yahay mid dhaliya goolashada markii doonaya sidaas darteed uu yahay laacibka ugu wanaagsan aduunyada.

