Mdaxweynaha maamulka soomaaliland Axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo ka qeyb galaya shirka looga hadlaayo amniga dunida kana socda magaalada munich ee dalka jarmalka ayaa halkaasi kula kulmay wafdi balaaran oo ka socda midowga yurub.
Wafdiga uu la kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland waxaa hor kacaya (Ms. Mette Knudsen), oo ka socda dalka Holland (Mr. Frans Makken), oo ka socda dalka Norway (Mr. Victor Conrad Ronneberg) oo ka socda dalka ingiriiska iyo 11 xubnood oo iyagana midowga yurub xubno ka tirsan ah.
Madaxweyne Maamulka Soomali-land siilaanyo ayaa marka hore uga mahad celiyey midowga yurub sida ay u garab taagan yihiin mamulka Somaliland iyo hor marinta ay maamulkiisu ku taageeraan.
Wafdiga uu la kulmay madaxweyne siilaanyo ayaa waxaa uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin ka qeyb qaadashada doorashada sanadka 2017-da ka qabsoomeysa maamulka Somaliland, muranka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dalka soomaaliya iyo hor marin ay midowga yurub ku sameeyaan caasimada maamulka Somali land ee Hargeysa.
Siilaanyo waxaa kaloo uu kulamo la qaatay safiirada kasoo qeyb galaya kulanka ee ka socda dalalka Denmark, Holland, Norway iyo United Kingdom

