Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee DF ayaa qoraal uu soo saaray ku faray waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradaas iney deg deg u dhaqan geliso amarkii uu soo saaray dhawaan RW Rooble ee ahaa in dib shaqadooda loogu soo celiyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaarada oo uu ceyriyey.


