Nabadoon Xalay Lagu Dilay Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay ka dhacay Magaaladda Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dilkaan ayaa ka dhacay mid kamid ah xaaafadaha magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan,waxaana loo geystay Nin Nabadoon ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Magaaladda.

Maxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiay Cali Macalin Maxamuud (Cali Dheere), waxa uu kamid ahaa odayaasha sida weyn looga yaqaanay gobolka,waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa.

Ala h u Naxariistee Nabadoon Cali Dheere ayaa xiliga la toogtay waxa uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaadii cishaha, wuxuuna ku sii jeeday hoyga uu ka dagan yahay xaafada Xaawo taako.

Raggii ka dambeeyay falkaan ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay,waxaana saakay socda howlgalo lagu baadi-goobayo eedeysanayaashii ka dambeeyay falka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here