Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Degaanka War-ciise ee gobolka Shabeelaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheeysan kaasi oo ay ku baacsanayeen Al-shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Shabaab iyadoo laga gubay xarumihii ay ku lahaayeen degaanka,
Sida saldhigii maxkamad beenaadki ay ku dhibaateeynjireen dadka shacabka ah.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa argagixisada ka soo furtay hub iyo gaari nooca Homay da loo yaqaan oo ay adeegsan jireen iyadoo laga dilay ku dhawaad 7 maleeshiyaad ah sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen:Odowaa Yuusuf Raage
Taliyaha ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga dhagarta argagixisada ay u soo maleegaan Shacabka Soomaaliyeed.



