Shir Madaxeedka Ururka midowga Afrika ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmi doona Magaaladda Malabo, ee dalka Equatorial Guinea.
Shirka oo socon doona muddo seddex maalin ah ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha bani’aadamnimo ee hadda Afrika soo food saartay, kuwaas oo ay uga sii darayaan saameynta dhaqan-dhaqaale ee masiibada COVID-19 iyo masiibooyinka qaaradda oo dhan.
Sidoo kale waxaa shirka diiradda lagu saari doono dagaaalka Kooxaha argagaxisada sida dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab, Daacish, iyo Boko-haram
Sidoo kale waxaa dhici doona Shirka Golaha Fulinta ee 25-ka May oo maanta ah.
Inta uu socdo kalfadhiga Golaha Fulinta, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, H.E. Moussa Faki Mahamat, ayaa soo bandhigi doona Warbixinnada Guddiga ee ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha leh iyo isbeddellada aan dastuuriga ahayn ee dawladda Afrika.
Gaba-gabadda shirka ayaa laga soo saari doono balanqaadyo ku aadan arrimaha Bini’aadantinimo ee Qaaradda, iyo dagaalka kooxaha Argagaxisada iyo Isbeddelka Dawlad aan Dastuuri ahayn.

