Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magacaabay La Taliyihiisa Amniga, kadib markii uu shalay la wareegay xilka Madaxtooyadda Soomaaliya.
Xuseen Macalin oo horay xilkan u soo qabtay ayaa loo magacaabay La taliyaha amniga ee Madaxweynaha.
Xuseen Macalin ayaa sanadihii u dambeeyay madax ka ahaa Machadka Daraasaadka Amnig ee Hiraal oo uu aas aase ka ahaa.
Dhowr jeer ooh ore ayuu ka hadlay arrimaha amaanka,waxa uuna sheegay in Villa Soomaaliya ay ka weecatay dagaalka Argagaxisadda,islaamrkaana ay weerar ku tahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

