Jeneraal Mahad:-“Ma Aqbalayno Weerarka Lagu Yahay Madaxweyne Lafta-gareen”,!

0

Xildhiban ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka digay qorshe laga abaabulaayo Magaaladda Muqdisho oo xilka loogu tuurayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan oo hada ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in Madaxweynaha hadda la doortay Xasan Shiikh Maxamuud dad ku dhow dhow ay doonayaan in ay burburiyaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay sidii loogu midoobi lahaa difaaaca hoggaanka maamulka, si looga shaqeeyo ka hortaga burbur loo geysto nidaamka dhisan.

Shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo ayuu ugu baaqay in ka hor yimaadaan colaadda laga soo abaabulayo Magaaladda Muqdisho oo dad dibadda ka yimaaday ay doonayaan in ay la wareegaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kadib markii uu shalay xilka la wareegay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud durbadiiba waxaa soo baxay warar ku aadan in xilalka laga tuuri doono Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda kala ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaliya oo ku dhawaa Villa Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here