Muwaadin Soomaaliyeed oo Weeraray Maqaayad ku Taalo dalka Mareykanka.

0

Muwaadin soomaali oo mareykan ah ayaa weerar ku qaaday maqaayad ay ku sugnaayeen dad u dhashay mareykanka , waxaana uu sixun u dhaawacay qaar ka tirsan dadkii ku sugnaa maqaayada oo ku taalo magaalada Columbus  ee gobolka Ohio.

Afar qof ayaa dhaawac  culus uu soogaaray kuwaasi oo loola caray isbitaal ku yaalo magaalada Columbus . ee gobolka Ohio.

Booliska oo ninkaan qabtay ayaa magaciisa ku sheegay maxamed barre waxaana uu dhaawaca ku fuliyey faas uu ku weeraray dadka ku sugnaa maqaayada.

Malkiilaha maqaayadaan oo u dhashay yahuuda asal ahaana kasoo jeeda carabta ayaa uu maxamed doonayey in uu dilo hasayeeshee waa uu ka maqnaa xaruntiisa xiliga uu weerarkaan dhacaayey.

Sanadkii 2012 maxamed waxaa uu safar ku tagay magaalada dubai ee dalka imaaratka halkaasi oo uu hub kasoo iibsaday sida ay sheegeen FBI-da mareykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here