Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Sheegtay in ay kordhisay taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya ilaa Agoosto 17, 2022.
Talaabadaan ayaa daba socota doorashadii madaxweynaha cusub ee Jamuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Maalintii Axada ee 15-ka bishaan Maay iyo codsi ka yimid dowladda Soomaaliya horaantii bishan oo ahaa in muddo 3 bilood ah loogu daro taageerada dhaqaale.
Bishii Febraayo ee sanadkaan, Hay’adda IMF waxay ka digtay barnaamijka taageerada miisaaniyada saddexda sano ah, oo qiimihiisu yahay ku dhawaad $400 milyan, in la joojinaayo haddii dib u dhac ku yimaada doorashooyinka sharci dejinta iyo madaxweynaha ilaa May 17-keeda
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa Axadii todobaadkaan dhamaanaya u doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud in uu noqdo madaxweynaha cusub, taasoo soo afjartay in ka badan hal sano oo dib u dhac uu ku yimid doorashada kaddib markii madaxweynaha xilka haya Maxamed C/llaahi Maxamed uu isku dayay inuu afar sano ku kordhiyo laba sano.
Madaxweynaha Cusub ayaa xilka la waaregaya Maalinta isniinta ah ee Todobaadkaan, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyadda Soomaaliya.
IMF ayaa bayaan gaar ah ku sheegtay galinkii dambe ee Khamiista shaqaalaheeda iyo mas’uuliyiinta Soomaaliya inay gaareen heshiis heer shaqaale ah oo ku saabsan dib u eegistooda labaad iyo saddexaad ee barnaamijyada hoos yimaada xarunta.
IMF ayaa saadaalisay in dhaqaalaha Soomaaliya uu gaari doono 2.7% sanadkan, taasoo hoos uga dhacday 3.2% saadaasha bishii Febraayo balse waxa uu ka sarreeyaa 2% oo la sameeyay 2021-ka.
Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee Soomaaliya Laura Jaramillo oo u warrantay Wakaalada Reuters ayaa u sheegtay in bisha May ee sanadkaan 2022 ay joojinayaan lacagtaas haddii dib u dhac danbe ku yimaado doorashada.
Laura Jaramillo ayaa tilmaamtay in tallaabada ay qaadi doonaan ay saameeyn ballaaran ku yeelan doonto shaqaalaha dowladda Federaalka, uuna Barnaamijka taageerada ah si toos ah uu u dhamaanayo haddii aysan jirin dowlad cusub 17-ka May.
Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo ayaa tilmaantay FEBRUARY 19, 2022 in ay ku kalsoon yihiin in doorashada lagu soo gaba-gabeyn doono waqtigeeda, si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijkaas.
Dowladda Cusub ayaa haatan dadaal ugu jirta in lasoo celiyo dhaqaalihii Soomaaliya lagu taageeri jirey, oo haatan u istaagay khilaafka doorashadda guud ee Soomaaliya oo haatan lasoo gaba-gabeeyay.

