Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Go’aanka Hay’adda IMF

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa gaaray heshiis muhiim ah oo ku saabsan geeddi socodka Deyn Cafinta iyo dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka  ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

IMF waxa ay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacay sameeyay dhib kasta oo ka jiro dalka, sida Abaaraha. Hey’adda IMF waxa ay ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto dowladda cusub iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Go ‘aanka  IMF ayaa yimid kaddib markii ay dhammaatay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo 15 bishaan May dalka ka dhacday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here