Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Sarkaal ka shaqeynayay Garoonka diyaaradaha magaaladda muqdisho oo maanta lagu dilay isla magaaladda muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay xaafada Suuq Liif Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jirey Laba Xidigle Aadan Cismaan, ayaa la toogtay isagoo ka sii baxayay hoyga uu ka dagan yahay degmada Dharkiinleey, iyadoo rasaasta ay ka heleeshay qeybaha sare ee jirka.
Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa isaga baxsaday goobta,waxaana goobta laga qaaday meydka Sarkaalka.
Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Dilka loo geystay Sarkaalka kamid ahaa Laamaha amaanka Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.

