Kadib markii weerarkii lagu qaaday diyaarad kamida diyaaradaha ay leedahay shirkada daalo airline ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho iyadoona si adag loo baarayo gawaarida iyo dadweynaha waxaana jirta in garoonka gudihisa lagu arkayo eeyo fara badan kuwaa oo baaraya qalabka kal duwan oo ay wataan dadweynaha ka amba baxayo garoonka iyo kuwa soo galaya
Mid kamida shaqaalaha garoonka oo diiday in magciisa aan shaacino ayaa simba u sheegay in ay jiraan eeyaha isla markaana ay baarayaan qalabka iyo dadka ka safraya garoonka iyo kuwa soodagayaba isla markaana looga gol leeyahay inay sugaan amaanka garoonka
2 bishan ayay aahayd markii weerar qarax ah uu ka dhex dhacay diyaarad ay leedahay shirkada daalo air line xili ay hawada ku jirtay waxaana fbi mareykanaka ay shaacisay in weerarkaasi loo adeegsaday qalabka ku xiran aalada raajada
Waxaana wali socda baaritaano ku aadan sida uu weerarkaasi u dhacay kuwaa oo ay ku hoolan yihiin hey’adaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka oo kaa shanaya saraakiil ajaanib ah waxaana jirta dad loo xir xiray falkan qaraxa.

