Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in ciidamadda ATMIS ay saakay Madaafiic ay ku garaaceen Xaafaddo kamid ah deegaanka Ceel-baraf.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidamadda Burundi ee ku sugan deegaanka Miirtuugo oo u dhow degaanka Ceel-baraf ay saakay madaafiic ay la dhaceyn xaafaddo ka Tirsan deegaanka, islamarkaana dhawaqa jugta culus laga maqlayay deegaanka.
Ilaa haatan lama oga khasaaraa ka dashay Madaafiicda Ciidamadda Burundi ay saakay ku gaarceen Deegaanka Ceel-baraf,iyo sababta ka dambeysay.
Arintaan ayaa imaanaysa xili 3-dii bishaan Ciidamadda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ceel-baraf,waxayna sheegeen in halkaas ay ku dileen 173-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda ATMIS ee Burundi ka socday.

