Al-shabaab oo Hoobiyayaal Ku Weeraray  Saldhig degaanka Galgala ee Gobolka Bari

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa hoobiyayaal dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda puntland ay ku leeyihiin degaanka Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari.

Dhowr madfac ayaa la sheegay in dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay ku weerareen Saldhig Ciidamadda Puntland,waxaana jiro khasaare ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa Madaafiicda ku dhaawacmay hal askari oo ka Tirsan Ciidamadda Puntland.

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa weerarkaas kaga jawaabay duqayn culus oo lala beegsaday kooxda inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin khasaaraha dhankooda gaaaray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here