Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo dhaweeyey qabashada doorashadii madaxweynaha ee nabdooneed ee ka qabsoontay Soomaaliya 15-kii Maajo 2022, waxa uuna u hambalyeeyey Mudane Xasan Sheekh Maxamuud doorashadiisa loo doortey madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu ku bogaadiyay Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” sida deg deg ah ee uu u aqbalay natiijada, iyo taageerada u muujiyay Madaxweynaha beddeli doona.
Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa rajo ka muujiyay in Madaxweynaha cusub uu si deg deg ah ugu dhaqaaqi doono soo dhisida Gole Wasiiro oo loo wada dhan yahay, isla markaana Dowladda cusub iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa arrimaha muhiimka ah ee Qaranka loona wajahi lahaa caqabadaha horyaalla.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu markale ku celinayaa taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay siiso dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxana uu rajaynayaa in uu sii wado wada shaqayn dhaw oo uu la yeesho maamulka cusub si loo horumariyo qorshaha dawlad-dhisidda Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadannimada ba’an ee dalka ka jira.
Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

