Mid Kamid ahaa Ergadii Kursigii uu Kusoo Baxay Sambalooshe oo La Dilay

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay caawa magaaladaas ku dileen nin dhalinyaro ahaa oo laga yaqaanay magaaladda.

Dilkaan ayaa ka dhacay mid kamid ah Xaafadaha magaaladda baladweyne,waxaana ninka la dilay lagu Magacaaabi jirey C/rashiid Maxamed,waxaana la sheegay in uu kamid ahaa Ergadii Kursiga HOP58 ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kursigaan waxaa bilo ka hor ku guuleystay C/laahi Maxamed Cali (Sambalooshe), agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa isaga baxsaday goobta waxaana goobta laga qaaday meydka Marxuumka.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shaabab ayaa inta badan sheegta dilalka loo geysto Xubnaha ka qeyb qaata doorashooyinka dalka ka dhaca sida ergooyinka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here