Ciidamadda ATMIS ee Howgalka Midowga Afrika ayaa galabta isaga baxay Saldhig ay ku lahaayeen tuulada Haan Sheekh oo udhaxaysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Goob-Joogayaal ayaa inoo sheegay in ciidamadda ATMIS oo Saldhigaan ku sugnaa mudooyinkii dambe ay galabta isaga baxeyn.
Durbadiiba waxaa la wareegay Ciidamadda Xarakadda Al-shabaab,mana dhicin wax dagaal ah.
Seddaxdii bishan ayay aheyd markii uu dhacay weerarkii deegaanka Ceelbaraf halkaas oo lagu dilay inkabadan 173 askari oo Burundeys ah waxaana dagaankaas dib ula wareegay Al Shabaab.

