Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Maanta Yeelanaya Kulan aan Caadi Aheyn

0

Guddiga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Magaaladda Muqdisho ku yeelanaya kulan aan caadi aheyn oo loogu hadlaayo doorashadda madaxweynaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaan arrimaha doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyo in doorashadda la qaban kara Maalinta axad ah ee 15-maay,sida horey loogu shaaciyay jadwalka guddiga ay soo saareen.

Gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo kan Aqalka Sare Cabdi Xaashi, ayaa  lagu wadaa in ay kulanka ka qeyb galaan.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha Senator Cabdi qani Geelle ayaa la filayaa inuu dhinacyada kulanka maanta leh uu u soo bandhigo sida ka guddi ahaan ay ugu diyaarsan yihiin doorashada, iyadoo la ogyahay iney shalay soo bandhigeen hoolka doorashada iyo iney u dhameystiran yihiin agabkii codeynta lagu qaban lahaa.

In ka badan 39-musharax ayaa isu diiwaangalisay tartanka Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya,balse waxaa si iskood ah isaga haray musharixiinta kala ah  C/kariin Guuleed iyo C/Nnaasir Cabdulle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here