Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamadda Galmudug iyo Kuwa Ahlusuna Waljameeca.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle, oo la hadlayay idaacadda simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka Dhuusa-mareeb shalay ka dhacay uu ahaa mid lasoo qorsheeyay,islamarkaana ay guuldareysteen shaqsiyaadkii soo abaabulay.
Waxa uu sheegay in ciidamadda Galmudug ay ku guuleysteen in magaalada Dhuusa-mareeb ay difaacaan,islamarkaana ragii weerarka soo qaaday ay ku celiyaan goobihii ay weerarka kasoo qaadeen ayna qeyb tahay deegaanka Bohol.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle,ayaa dhanka kale sheegay in Ahlusuna kaliyah aysan dagaalka wadin ay jiraan xubno kale oo dagaalka qeyb ka ah.
Waxa uu sheegay in Ahlusun Waljameeca ay maamulka qeyb ka yihiin,sidaas darteed aysan jirin baahi keenaysa in ay soo weeraraan Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

