Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf xuseen jimcaale madaale oo wareysi siiyay laanta afka soomaliga ee Voa-da ayaa ka hadlay amaanka Gobolka Hiiraan iyo hab cusub oo loogu hortagaayo falalka amniga lidiga ku ah ee ka dhaca Gobolka Banaadir.
Mudane Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in amaanka Gobolka Banaadir oo xiligan yahay mid kasoo haagaya siduu ahaa kadib markii uu iskaashi dhanka amaanka uu dhexmaray ciidamada Nabad sugida iyo maamulka Gobolka Banaadir. taasina ay keentay in laga hortago falalkii ka dhici jirey degmooyinka Gobolka
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka ku nool 17-degmo ee gobolka Banaadir in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala qeyb qaataan sugida amniga si loog hortago kooxaha dhibaatooyinka ka wada Gobolka Banaadir.
Dhanka kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay mashaariic hormarineed oo lagu dhisaayo qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho oo inta badan uu burbur xoogan ka muuqdo.

