Mid kamid ahaa Xubnihii Guddiga isku dhafka ahaa ee doorashoyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaweyd shaaciyay in uu iscasilay xubnimadii guddiga.
Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed (Beerey) oo kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon guddiga ee ka soo galay dhanka golaha shacabka ayaa goordhaweyd shaaciyay in uu iska casilay xubnimadii.
Gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo qoraal soo saaray ayaa sheegay iney soo gaartay warqada is casilaada Xildhibaan Beereey, wuxuuna sababta ku soo koobay arrimo shakhsi ah.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa durba buuxiyay booska,waxaana lagu daray guddiga xildhibaan C/raxmaan Maxamed Sheekh.


