Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerarkii shalay Al-shabaab ku qaadday Saldhiga Ciidamada Midowga Midowga Afrika ee Degaanka Ceel Baraf oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.
“Qaramada Midoobay waxa ay cambaareyneysaa weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee ciidamada nabad ilaalinta Burundi” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay.
“Qaramada Midoobay ayaa tacsi u dirtay dadkii ku dhintay weerarkaa, waxayna u rajeyneysaa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay,waxay si adag u garab taagan tahay ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya dadaallada ay ku hagaajinayaan amniga Soomaaliya”,ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramadda Midoobay.

