Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa magacaabista Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay golaha soo xaadireen xildhibanno uu ku sheegay in uu ka jiro isqab-qabsi, wuxuuna ku wargeliyay ‘inuu go’aan ka gaari doono wixii maanta ka dambeeya.
Wuxuu Caddeeyay inay Golaha fariisan doonaan oo kaliya xildhibaannada aanu khilaafka ku jirin, kooramkana aan lagu dari doonin xildhibananada la isku khilaafsan yahay, inta go’aanka kaam dambeysta ah laga gaarayo arrintooda.

