Midowga Afrika oo Cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab Ee Saldhigga Ciidanka Burundi

0

Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay subax lagu qaaday Saldhig Ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf oo ilaa 65km dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Ururka Midowga Afrika uu si adag u cambareynayo weerarka lagu qaaday saldhiga ciidamadda Burundi iyo khasaaraha gaaray Ciidamada ATMIS.

Waxa uu sheegay in uu khadka taleefanka kula xiriiray madaxweynaha dalka Burundi General Neva uuna u sheegay in ay cambareynayaan weerarkan, wuxuuna madaxweynaha uga tacsiyadeeyay askarta looga dilay dagaalka, isagoo kuwa dhaawaca ahna Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar qorshaysnaa ku qaaday saldhiga ciidamadda Burundi waxayna sheegeen in weerarka lagu dilay 173-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Burundi,hubna lagu qabsaday.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here