Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa maanta ka dhacaysa Doorashadda 3-kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Saddexdan kursi oo kala ah HOP069, HOP038 iyo HOP095 ayaa waxaa shahaadada musharaxnimo la siiyay 11 rag ah iyadoo aysan jirin wax dumar ah oo ka soo muqanaya doorashadan.
Kuraasta maanta la dooranayo waxaa kamid ah HOP069 oo afartii sano aynu soo dhaafnay uu ku fadhiyay C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa),waxaana tartanka isaga haray wasiir alcadaala.
Dhanka kale waxaa tartan culus loo gali doonaa labada kursi ee kale HOP038 iyo HOP095.


