Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo Ku-xigeenkiisa oo Khilaaf Soo Kala Dhexgalay

0

Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku-xigeenkiisa ayaa laga dareemaaya Magaaladda baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo khilaafka ayaa salka ku haya hannaanka loo marayo doorashada 11 kursi oo Madaxweynaha dhowaan fasaxay in la furo oo loo tartamo.

Khilaafkaan ayaa saameeyay sidoo kale Guddiga doorashada Hirshabelle oo lakala saftay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed, ayaa doonaya in shaqsiyaad gaara oo ay wadato Vila Soomaaliya loo xiro doorashada, halka Madaxweyne Cali Guudlaawe uu arintaasi ka horjeedo, waana taas mida banaanka keentay khilaafka labada mas’uul.

Sidoo kale waxaa dib loo dhigay kuraas lagu waday in todobaadkaan lagu qabato Magaaladda Baladweyne kuwaasi ay ku fadhiyeen xildhibaano mucaarad iyo muxaafad isugu jira.

11-ka kursi ee ku harsan beledweyn ayaa ah kuwa ugu adag, waxaana xubnaha kuraastaasi ku fadhisa haatan kamid ah Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Jeesoow iyo Xildhibaan Aamina Maxamed oo kursigeeda la siku dayayo sidii loo dhaafin lahaa sababo la xiriira sidii ay ugu dagaalantay Ikraan Tahliil oo sarkaal NISA ka tirsan eheyd.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here