Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa maanta ka dhacaysa doorashadda qeybta koowaad ee 16-kursi oo taala Magaaladaas.
Guddiga doorashooyinka ayaa shalay oo jimco aheyd shaaciyay musharixiinta 16-kursi,waxayna sheegeen in doorashadda la qaban doono 5-6 bishaan Maarso.
Kuraasta lagu dooranayo Magaaladda Boosaaso ayaa kala ah Hopp#273, Hopp#157, 3: Hopp#228 ,Hopp#234 Hopp#076 Hopp#227 Hopp#158 Hopp#083 Hopp#169 10: Hopp#036 Hopp#149 Hopp#222 Hopp#027 Hopp#220 Hopp#190 Hopp#142.
Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano hore oo kuraasta la shaaciyay ku fadhiyay ayaa meesha laga saaray, sida ku cad liiska ay soo saareen guddiga doorashooyinka Mamaulka Puntland.

