Dowladda Federaalka oo Gurmad u Fidinaysa Soomaalida Ku Xayiran Ukraine

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday in loo gurmado Soomaalida ku xayiran dalka Ukraine oo dagaalo ay ka socdeen.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda JFS ee Belgrade Serbia ayaa lagu sheegay in la bilaabay u gurmashadda,islamarkaana lasoo badbaadiyay dhalinyaro waxbarasho u joogtay dalka Ukraine.

“Safaaradda JFS ee Belgrade iyada oo fulineysa tacliimaadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS, waxaa ay dadaal xoog leh u gashay sidii adeeg Qunsuliyadeed loogu sameyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dagaalada Ukrain ka socda ay noloshoodu saameysay iyo sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirnaa xuduuda u dhaxaysa Ukraine 🇺🇦  iyo Poland 🇵🇱.

Sidaa awgeed; Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Serbia 🇷🇸 waxaa sharaf u ah in ay u howlgashay, hubiseyna badqabka muwaadiniinta kala ah:

  1. Mustafe Cabdul Daahir oo ah arday ka yimid Degamadda Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.
  2. Cabdullaahi Xuseen Mursal oo ahaa aday kana yimid Degamadda Waaberi ee Gobalka Banaadir.
  3. Anwar Axmed Aadan oo ahaa muwaadin deganaa Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, Anwar wuxuu ka yimid Degamadda Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Hadaba, si waafaqsan Sharciga Shaqada Dibadda, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade waxaa ay sii laba jibaareysaa dadaalka wadaniga ah ee lagu samata bixinayo muwadiniinteena uu dagaalka Ukrain saameeyay.

Soomaaliya Soomaali baa leh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here