AMISOM ayaa ka hadashay sababtii ka dambeysay in ay xiraan goobihii laga gali jirey garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee magaaladda muqdisho.
Francisco Madeira, madaxa AMISOM oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaaladda muqdisho ayaa sheegay in arintaas ay u sameeyeen in la xoojiyo amniga garoonka aadan Cadde.
Madeira ayaa sheegay in, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayay kala xaajoodeen sidii loo dhaqan-gelin lahaa shuruucda u dagsan oo ay kamid tahay in aysan cid walba hub la gelin garoonka.
“Qof kasta oo hub la imaanayo halkan waa in uu sharaxo sharciyadda uu u haysto, qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda waxay la yimaadaan hub badan. Waa in ay raacaan shuruucda u dagsan halkan,” ayuu yiri Francisco Madeira, madaxa AMISOM
“Xalane waxaa ku yaala kaabeyaal muhiim ah iyo qaar xasaasi ah oo kaliya aysan lahayn AMISOM. Marka waa muhiim in dadka halkan imaanaya ay raacaan shuruucda u dagsan,” ayuu kusoo afmeeray.

