Caasimadda Ukraine ee Kyiv ayay ciidamada Ruushka ku garaaceen gantaalo , balse waxa ay weli ku jirtaa gacanta dowladda madaxweyne Volodymyr Zelensky.
Mr Zelensky ayaa sheegay in dadka reer Ukraine ay kula dagaalameen ciidamada Ruushka ee ku sugan Kyiv iyo sidoo kale Odesa oo ku taal koonfurta iyo magaalada Kharkiv ee waqooyi bari.
Xilli ay ciidamada Ruushka ay ku soo dhawaadeen, ayaa dadka deggan Kyiv waxaa laga codsaday inay guryahooda joogaan .
Waxaa wali gobolo badan oo ka tirsan dalkaasi Ukraine ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.
Sawiro lagu qaaday dayax-gacmeedka ayaa muujinaya ciidamada dhulka ee Ruushka oo la isugu keenay magaalada Nova Kakhovka, ee koonfurta Ukraine, agagaarka warshad koronto oo ku taal webiga Dnieper.
Horaantii Sabtidii, ciidamada Ukraine ayaa dagaal adag kula galaay kuwa Ruushka magaalada labaad ee Ukraine ee Kharkiv, una dhow xuduudka Ruushka.
Bandow magaalada oo dhan ah ayaa xalay ka dhaqan galay caasimada Kyiv wuxuuna socon doonaa ilaa subaxnimada maanta.
Jarmalka iyo Holland ayaa ku dhawaaqay in ay hub u dirayaan dalka Ukraine, halka Faransiiska uu sidoo kale ballan qaaday inuu Ukraine siin doono saanad militari.
Xafiiska madaxweyne Macron ayaa sheegay in wadanku uu soo diri doono hub difaac ah iyo shidaal, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.
Madaxa golaha Midowga Yurub Charles Michel ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in 27 wadan ee midowga Yurub xubnaha ka ah ay “fududeynayaan gaarsiinta saanad milatari oo la geeyo Ukraine”.

