Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee 2020/2022 ayaa muddo dheeri ah ku daray baaritaanka dacwada kursi lamber HOP#045.
Kursigaan waxaa ku fadhiyay afartii sano aynu soo dhaafnay wasiirkii Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rashiid,waxaana kusoo baxay shaqsi ku cusub siyaasada kadib doorasho ka dhacday Magaaladda Baraawe.
Wasiirka batroolka iyo haweeney musharax aheyd ayaa guddiga u gudbiyay cabasho ku aadan in loo diiday ka qeyb galka doorashadda ka dhacday Magaaladda Baraawe ee caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


