Midowga Afrika ayaa Khamiistii cambaareeyay weerarka Ruushka ee Ukraine, wuxuuna ku baaqay “xabad joojin degdeg ah”, isagoo sheegay in xaaladdu ay halis ugu jirto inay isu beddesho “isku dhac”.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ee xilligan, Madaxweynaha Senegal Macky Sall, iyo Moussa Faki Mahamat, oo ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin duullaanka.
Waxay ugu baaqeen Ruushka “inuu ixtiraamo sharciga caalamiga ah, madaxbanaanida dhuleed iyo madax banaanida qaranka Ukraine”.
Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday Ukraine Khamiistii, isagoo dilay daraasiin badan, kadib markii duqeymo dhanka cirka ah lagu garaacay xarumaha militariga iyo ciidamada dhulka ee ka soo dhaqaaqay waqooyiga, koonfurta iyo bariga.
Hogaamiyayaasha AU waxay yiraahdeen “xaaladda aadka u daran ee khatarta badan” waa in lagu xaliyaa “wada xaajood siyaasadeed” oo ay dusha kala socoto Qaramada Midoobay.

