Quburo Mareykan ah:- Qaraxii Daallo Airlines Waxaa  lagu Fuliyey Qalabka  Raajada

0

Baaritaanada ay sameeyeen quburada ka socaday mareykanka ee ka tirsan hay-ada dambi barista mareykanka ee FBI  ayaa shaaciyey in waxyaabaha loo adeegsaday qaraxii diyaaradda daallo airlines ay ahaayeen qalabka Raajada oo lagu xiray computer laptob ah oo diyaarada lala raacay.

Baarayaasha oo u dhashay mareykanka ayaa maanta waxaa ay u warameen tv-ga laga leeyahay isla mareykanka ee CNN waxaana ay u sheegeen in waxyaabaha fududeeyey qaraxaasi ay ahaayeen adeegsiga qalabka ku xiran aalada raajada oo aan la arki Karin.

Waxaa kaloo baarayaashaan ay caddeeyeen in ay diyaarada burburi laheyd hadii ay gaari laheyd hawada sare kuna qaraxdo iyado oo joog sare ku duuleyso.

Labadii bishaan febraayo maalin taalado ah ayaa mid ka mid ah diyaaradaha daallo airlines waxaa uu isku dhex qarxiyey nin magaciisa ay dowlada ku sheegtay Abdullahi Abdisalam Borleh, oo ka mid ahaa rakaabka diyaarada waxaana dhintay qofka is qarxiyey oo diyaarada kasoo dhacay halka ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale.

Dhawaan ayaa dowlada mareykanka ay u soo dirtay soomaaliya qubaro ka tirsan FBI-ada mareykanka oo baaraya waxa sababay qaraxii daallo airlines waxaana quburadaasi ay sheegden in diyaaradaha laga leyaha midowga yurub ee yimaada bariga dhexe ay u digayaan maadaama sifudud loo qarxiyey diyaaradii daallo airlines.

Dowlada soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhawaad 20 ruux qaraxaasi loo xiray oo ay ku jiraan shaqaale ka howl galayey garoonka aadan cadde ee magaalada muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here