Dowladda Shiinaha ayaa soo magacowday Ergay wakiil ugu noqon doona gobolka Geeska Afrika ee qalalaasuhu ka taagan yihiin.
Xue Bing oo ah mas’uulka cusub ayaa ka howlgali doona Wadamada Geeska Afrika oo ay colaaduhu ka jiraan sida Itoobiya,Eriteriya iyo Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha Dibadda Shiinaha qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in mas’uulka cusub uu safiir kasoo noqday Papua New Guinea, waxaana uu khibrad u leeyahay ka shaqeynta Afrika, Ameerika iyo Oceania,sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.
Danaha Shiinuhu ka leeyahay Geeska Afrika waxaa ka mid ah Saldhigga uu ku leeyahay Badda ee Jabuuti oo marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah.
Gobolka ayaa sidoo kale waxaa halis ugu jira xasillooni darrada ka jirta Koonfurta Suudaan, halkaas oo Shiinuhu uu ku leeyahay maalgashi shidaal oo badan, iyo qulqulka ka imanaya Soomaaliya oo keenay weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay dalka deriska la ah Kenya.

