Ciidanka Xoogga Dalka ee guutada 16Aad Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Deegaanada Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burca dheer halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-shabaab.
Howlgalku intii uu socda ayaa waxaa ay Ciidanku ku khaarajiyeen Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhaadaha gobalka Hiiraan iyo 60 ka tirsan Alshabaab, iyadoo Ciidanku ay ka furteen hubkii ay dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireen.
Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ururka 7aad ee Kumaandooska Danab ayaa waxaa hogaaminayay Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan tuure ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Madaxii Jabhadaha ee Hiiraan, iyaddoo lagu burburiyey Xarumo Qaraxyada lagu farsameyn jiray iyo Goobo ay Al-shabaab ku qaadan jireen lacago.
“waxaa ay Ciidanka Kumaandooska DANAB maanta howlgal ku khaarajiyeen Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhaadaha gobalka Hiiraan iyo 60 askar oo ka tirsan Alshabaab, sidoo kale waxaan Burburinay Xarumo Qaraxyada ay ku farsameyn jireen iyo Goobo ay Shabaab ku qaadan jireen lacago Baad ah”ayuu yiri Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan tuure oo ah taliyaha hogaaminayay howlgalka.

