Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa ka hor yimid natiijada doorashadii kursiga HOP#086, oo shalay uu kusoo baxay La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in go’aankii hore ee Guddiga ku hakiyeen kursiga HOP 086 waxba iska badalin.
Guddiga ayaa sheegay in kaliyah ay aqoonsan yihiin doorashadda 5-kursi oo shalay lagu qabtay Magaaladda beledweyne,balse ay diidan yihiin kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin oo magaca badashay.
“Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray,” ayaa lag yiri qoraal ay guddiga soo saareen.
Shanta kursi ee guddiga ay sida horudhac ah u aqoonsadeen ayaa waxaa kusoo baxay
1- HOP#015: Xiis Xasan Aadan 2- HOP#008: Maxamed Deeq X.Cumar 3- HOP#274: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) 4- HOP#109: Cabdifataax Qaasim Maxamuud 5- HOP#074: Cabdikariim Cumar Xuseen.

