Ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo ay weheliyaan ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ayaa howlgal lagu baacsanayay Al-Shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.
Intii hawlgalku socday ayey ciidamadu waxay cagta mariyeen sida ay sheegeen Saraakiishii Hogaamineysay Ciidamada goobo ay ku dhumalaysanayeen Al-Shabaab oo ku taala Waraha Buur Qaylo.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkaas shabaab looga dilay afar askari iyo dhaawaca lix xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, wuxuuna howlgalka yimid ka dib qeylo dhaan ka timid dadka deegaanka oo xoolo dhaqato u badan oo u adkeysan waayay dhibaatada Shabaab.




